Goonjabka aad ayuu u xanuun badan yahay, wuxuuna saameeyaa dhinac ka mid ah madaxa. Mararka qaarkood wuxuu ka bilowdaa gees ama fooda kadibna wuxuu ku faafaa madaxa oo idil. Xanuunkiisu wuxuu caan ku yahay sidii in lagaa garaacayo madaxa ama sidii xidid ku bood-boodaya. Waxaa lagu qiyaasaa inuu wadanka UK mid ku dhaco afartii haween ahba ama hal qof 12 rag ah.
Goonjabku wuxuu socon karaa dhowr saacadood ilaa 3 maalmooda, waxaana badanaa weheliya labo-labo & matag, qofka oo ay dhibaan sharqanta & iftiinka, wuxuuna bukaanku doorbidaa inuu iska seexdo qol mugdi ah. Markuu xanuunku tago waxaa hari kara daal sii jira dhowr maalmood. Dumarka qaarkood waxay ku dhacdaa xiliga caadada.
Waxyaalaha kicin kara waxaa ka mid ah gaajada, cunooyinka qaarkood sida shokolaatada, sigaarka ama qiiqa, buuqa, iyo ur xoog badan. Waxaa kaloo kicin kara waxyaalo ay ka mid yihiin wal-walka, daalka iyo daawooyinka qaarkood.
Rubuc dadka qaba goonjabka waxay sii daareemaan digniin ah inuu ku soo socdo xanuunku. Digniintaas waxay noqon kartaa qofka oo arka wax u eg xariiqimo goos-goos ama sigsaag ah, meelo madow amaba ceeryaamo. Dadka qaarkiis waxay sii uriyaan ur qariib ah ama waxay dareemaan dareen xato-xato ama kabuubyo wadata.
Dhakhtar la tasho:
Fadlan dhakhtar la tasho intaadan adigu dhakhtar isu noqon oo iska daaweyn madax-xanuunka. Waxaa laga yaabaa in wax kale ku hayaan. Gaar ahaan marka xanuunku kugu cusub yahay adigoo 40 sano ka weyn ama marka uu madax xanuunku ka soo darayo, saacadaha uu ku hayana sii dheeraanayso. Waxaa kaloo haboon inaad dhakhtar la tashatid haddii uu ka duwan yahay kii hore ee caadiga kuu ahaa ama ay weheliyaan calaamado cusub
Daawaynta:
Daawooyinka loo isticmaalo waxaa ka mid ah Sumatriptan (Imigran) oo ah daawo waxtarkeeda ay hubiyeen malaayiin qof. Daawadaan waxaa loogu talagalay qofkii ay wax ka tari waayaan nasashada, iyo daawooyinka xanuunka loo isticmaalo sida barasetamoolka iwm.
Sumatriptan waxaa jira iyadoo kaniini ah iyo iyadoo sanka lagu buufinayo. Waxaa la sheegaa in tan sanku ay ka deg-deg badan tahay waxayna ku haboon tahay qofkii la ildaran matag & labo-labo.
Kaniiniga waxaa loo sameeyay iyagoo kala awood duwan. Waxaa jira mid ah 50mg iyo mid ah 100mg. Ku bilow kan ah 50 mg isla marka uu xanuunku kugu bilowdaba (dad ka qaar waxaa laga yaabaa inay u baahdaan kan 100mg). Kaniini kale qaado 2 saac kadib haddii xanuunku kugu soo noqdo. Waxaa laguu ogol yahay ugu badnaan 300mg 24 kii saacba.
Kan sanka lagu buufiyo iyagu waxay ku yimaadaan mid ka samaysan 10mg iyo 20mg. Mid ka mid daloolada sankaaga ku buufi hal ama labo jeer markuu xanuunku kugu bilowdo. Waxaa laguu ogol yahay 40mg ugu badnaan 24 kii saacba.
Sumatriptan ha la qaadan daawooyiinka kale oo nooceeda ah ‘triptans’ ama kuwa ka sameysan ergotamine.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Ingiriis ka akhri halkan
Sumatriptan 50mg | Sumatriptan 50mg Kaniini | £8.40 |
Sumatriptan 50mg | Sumatriptan 100mg kaniini | £13.20 |
Standard Imigran nasal spray: 10mg | Standard Imigran nasal spray 10mg | £16.40 |
High dose Imigran nasal spray: 20mg | High dose Imigran nasal spray 20mg | £16.40 |
- Sumatriptan 50mgHal kaniini ku cab biyo isla markii aad isku aragtid calaamadaha hore ee xanuunka. Haddii aad u baahatid waxaad kan labaad qaadan kartaa laba saac kadib; ha ka badsan 300mg 24kii saacba.Gado
- Standard Imigran nasal spray: 10mgKu buufi hal ama laba jeer mid ka mid ah daloolada sanka isla markaad isku aragtid xanuunka, ku celi laba saac kadib haddii calaamaduhu kugu soo noqdaan. Waxaa laguu ogol yahay ugu badnaan 40 mg 24kii saacba.Gado
- High dose Imigran nasal spray: 20mgku buufi hal mar mid ka mid ah daloolada sanka isla markaad isku aragtid xanuunka, ku celi laba saac kadib haddii calaamaduhu kugu soo noqdaan. Waxaa laguu ogol yahay ugu badnaan 40 mg 24kii saacbaGado