Sanboor

Sanboorka & allerjiyada waxaa sababa marka uu jirku la kulmo wax uu xasaasi u yahay sida ubax, boor, habaas iwm. Taasi waxay sababtaa inuu jirko soo daayo kiimiko loo yaqaano histamine oo iyaduna markaa keenta calaamadaha lagu arko qofka qaba sanboorka iyo xasaasiyada. Calaamaduhu waay kala duwanaan karaan, dadka qaarkiis wuxuu hayaa waqti kooban waxayna isku…

Baarista HIV adigoo gurigaaga jooga

HIV test: candhuufta boostada noo soo dhig anaguna natiijada ayaanu maalmo kadib kuu soo dhigaynaa” Haddii aad iska shakisan tahay ama aad doonaysid in qalbigu kuu dago waxaan kaa baari karnaa HIV adigoo gurigaaga jooga. Waxaan kuu soo diraynaa ama xafiiskayaga ka qaadan kartaa weel aad candhuuf ku soo tufaysid, waxaad ku soo ridaysaa boqshada…

Fiitamiinada

Fitamiinadu waa walxo jirku u baahan yahay oo uusan marnaba ka maarmin si aan ugu noolaano nolol caafimaad leh. Maadaama uusan jirkeenu samayn karin fitamiin waxaan u baahan nahay inaan cuno ama cabno walxaha ay ku jiraan, la’aantoodna jirku wuxuu noqonayaa hawl-gab. Dabku wuxuu lumiyaa fitamiinada iyo macdanta cuntada ku jirta, hilibka oo la solo ama foornada…

Cudurada Cidiyaha

Infekshanka cidiyaha ee fungiga Hadddii cidiyahaagu u eg yihiin sida ka muuqda sawiradan waxaa laga yaabaa inaad qabtid cudurka cidiyaha ee uu sababo noolo la yiraahdo fungi. Calaamadaha soo socda ayaa lagu gartaa cudurkan: Cidiyaha oo adkaada ama qolfaysta Midabkooda oo is badala Cidida oo ka soo fuqaysa ama durkaysa booskeeda? Soo jab-jabaysa ama gabal-gabal…

Joojinta Sigaarka

Sigaarku waa balwad aad u liidata oo dhakhaatiirta iyo culumaduba isku raaceen inuusan wanaagsanayn aduun iyo aakhiraba. Wuxuu keenaa cuduro aan la soo koobi karin, wuxuu caan ku yahaya ur iyo aragti xumo, wuxuu gubaa oo tahareeyaa meelaha uu sii maro ilaa uu ka gaaro sanbabada, aakhirka wuxuu hawl-gab ka dhigi karaa sanbabada, markaas oo…

Xakameynta Dhalmada

“kaniiniga xakamaynta dhalmada wuxuu dumarka ka caawiyaa inay doortaan xilliga ay doonayaan in ay uurka qaadaan”   Siyaabaha loo xakamayn karo uurka waxaa ka mid ah hormoonada, bacaha ay xirtaan raga ama dumarka ee loo yaqaano condoms ama qalabyada la dhex dhigo ilma galeenka dhexdiisa ee loo yaqaano IUD (intrauterine device) sida mirena. Hormoonadu waxay noqon karaan…

Cabeebka Xubinta Galmada

Cabeebka badanaa waxaa sababa noole ilma qabato ah oo loo yaqaan candida albikaans. Calaamadaha haweenka lagu arko waxaa ka mid ah danqasho iyo cun-cun gudaha iyo agagaarka xubinta galmada, iyadoo isku badasha casaan iyo caabuq. Markuu infakhshanku aad u daran yahay waxaa lagu gartaa barar. Cabeebkaas wuxuu kaloo sababi karaa kaadida oo qofka gubta, dheecaan…

Infekshanka Kaadida

Cudurkan waxaa sababa infekshanka kaadi-mareenka ku dhaca waxaana lagu daaweeyaa jeermis-dile ama antibiyootik. Haweenka qaarkood waa ku soo noq-noqdaa ragase kuma badna.  Calaamadaha lagu garto Sida caadiga ah kaadida waa ka nadiif jeermis, markuu soo galana wuxuu sababaa kaadida oo qofka gubta iyo kaadi badan oo hadba suuliga lagula cararo. Waxaa kaloo dhici karta xumad,…

Shubanka Safarka

Ilaa iyo 60% dadka ka safra wadamada reer galbeedka ah ee taga wadamada soo koraya ayaa waxaa ku dhaca shubanka musaafirka kaasoo dalxiiskooda ama safarkooda shaqo ka dhiga mid lama ilaawaan ah. Waxay badanaa bilaabataa todobaadka ugu horeeya ee meesha lagu cusub yahay.  Inaad qaadatid antibiyootik marka uu cudurkan kugu dhaco waxay si aad ah…

X