Baabasiirka

Baabasiir oo afka qalaad lagu yiraahdo haemorrhoids waa xidida daloolka futada ama malawadka oo soo gorora ama waynaada. Waxyaalaha fududayn kara cudurkan waxaa ka mid xaaladaha kor u qaadi kara cadaadiska xididada malawadka sida haweenka uurka leh iyo qofkii ay calooshiisu fadhido – maadaama saxarada adag ay keeni karto docosho badan. Waxaa kaloo keeni kara arimo la xiriira da’da iyo hidaha qofka.

Calaamaadka lagu garto: waa kala nooc waxayna u dhaxeeyaan kuwo aamusan oo aan wax calaamad ahba lahayn iyo kuwo sababa:

  • Dheecaan ama axal,
  • dhiig cas oo saxarada dusha kaga dahaaran ama marka la iska nadiifinayo la arko,
  • xanuun iyo
  • cun-cun.

Daawada:

– Ka hortaga caloosha oo fariisata ama saxarada oo adkaata.

– Daawo meesha la marinayo: waxaa jira daawooyin ka samaysan boomaato ama saboosto meesha la galinayo.  

– Qaliinka: haddii baabasiirku aad u daran yahay waa la qali karaa. Banding: Waxaa lagu xiri karaa rabar laastiik ah oo lagu quun-goynayo meesha uu ka imaanayo. Sclerotherapy: Waxaa daawo lagu duri karaa salka baabasiirka taasoo ka dhex-samayn karta tahar.   

– Bukaanada qaba baabasiir aad u daran ama ay wax ka tari waayaan hababka aan kor ku soo xusnay waxaa lagu sameeyaa qaliin lagu jarayo baabasiirkaba ama lagu xirayo xididka waraabiya.

Waxaa kaloo jira habab kale oo lagula tacaali karo baabasiirka waxaana ka mid ah: infrared coagulation; photocoagulation; diathermy; electrotherapy. Hase yeeshee waxtarkooda looma amaanin sida laastiika rabarka oo kale.   

Haddii aad u baahan tahay talo, daawo ama qaliin ku saabsan baabasiirka fadlan nala soo xiriir.

Haddii aad doonaysid inaad la tashatid dhakhtar guji hoos

              SU’AAL DHAQTARKA                

Haddii aad su’aal qabtid ama aad doonaysid inuu ku soo waco qof ka mid ah shaqaalaha u carbisan caawinaada macaamiishayada guji hoos

              RIIX HALKAN HADDII AAD DOONAYSID INAAN KU SOO WACNO

X