Gooryaanka

Gooryaan calooleed (Threadworms) waa noole sida dunta oo kale ah, dhererkiisuna u dhaxeeyo 2 mm ilaa 13 mm. Waxay degaan xiidmaha waxayna u badan yihiin caruurta inkastoo da’ kasta ay ku dhici karaan.

Maxaa lagu gartaa qofka qaba?

  • Cun-cun daloolka futada
  • Caruurta cun-cunka kadib xoqda futada waxay ku keeni kartaa xanuun iyo caabuq
  • Markay tirada gooryaanku badato waxay keeni karaan calool xanuun, rabitaanka cunada oo yaraata (abataytka) amaba qofka oo caatooba.
  • Gabdhaha wuxuu u gudbi karaa xubinta galmada wuxuuna ku keeni karaa cun-cun, dheecaan, kaadida oo dhibta iyo mararka qaarkood isku kaadin.

Sidee ku ogaan karaa in cunugaygu qabo gooryaan?

Gooryaanku wuxuu u eg yahay sida dun cad oo dhuuban. Waxaa laga yaabaa inaad ku aragtid saxarada. Ka fiiri daloolka futada haddii aad saxarada ka waydid hase yeeshee aad shakisan tahay sida in cunugu qabo cun-cun. Waxaad soo qaadan kartaa tooj habeen barkii markuu cunugu seexdo. Barida kala qabo kadibna fiiri daloolka. Haddii uu cunugu qabo gooryaan waxaad arkaysaa mid ama labo ka soo baxaya daloolka futada. 

Daawo ma leeyahay?

Haa daawo waa leeyahay. Dhamaan dadka guriga ku wada nool waa inay daawada qaataan xitaa kuwa aan wax calaamad ah isku arkin. Sababtoo ah dad badan oo qaba gooryaanka ayaan wax calaamad ah isku arkin. Qofka aan laga dabar-goyn hadhow ayuu mar labaad qaadsiinayaa ukxanta qofkii daawada qaatay ee ka caafimaaday. Taasina waxay noqonaysa wareegto aan dhamaan haddii aan qoyska hal mar la wada daawayn.

Fayo-dhowrka

Daawadu waxay dilaysaa gooryaanka xiidmaha dhex-jiifa hase yeeshee waxba yeeli mayso ukxanta uu dhigtay daloolka futada. Ukxantaas waxay ku noolaan karaan ilaa laba isbuuc jirka banaankiisa sida nigiska iyo go’a sariirta. Sidaas darteed, talaabo nadaafadeed in la qaado waa muhiim si lagu dabargooyo ukxanta. Waxyaalaha kaalin muhiim ah ka qaadan kara inaan ukxanta markale la laqin waxaa ka mid ah:

  • In biyo kulul lagu dhaqo dharka lagu seexdo, go’ sariirta iyo shukumaanada.
  • Guriga oo laga nadiifiyo habaaska gaar ahaan qolka hurdada iyo meelaha ciyaalku ku cayaaraan. Haddii aad haysatid makiinada qashinka nuugta (vacuuming) iyadana dul mari joodariga.

Kadibna qof kasta oo guriga degan waa inuu 2 isbuuc sidatan sameeyaa:

  • Ku seexdaa nigis si ukxantu u gaarin go’ iskana badalaa subax kasta
  • Isla marka hurdada laga kaco subax kasta waa in la qubaystaa ama la dhaqaa daloolka futada iyo agagaarkeeda si looga nadiifiyo ukumaha.

Intaas waxaa kuu dheer fayo-dhowrka guud ee qof kasta laga doonayo sida:

  • Gacmaha oo la dhaqo, cidiyaha oo la nadiifiyo subax kasta, marka suuliga la galo, marka xafaayada caruurta ama nappies la badalo, iyo ka hor intaan cunada la cunin ama marka la diyaarinayo cuno.
  • Laga fogaado in cidiyaha afka la galiyo ama farta la nuugo, ciyaalka sidaas sameeyana laga wacyi-galiyo.
  • Haddii aad awoodid, yeelo shukumaan kuu gaar ah.

Waxaad kaloo ogaataa in caruurtu ay gooryaanka ka soo qaadi karaan dugsiga iyo xanaanada. Taasi waxay macnayn kartaa haddii gooryaanku ku soo noq-noqdo cunugaaga kadib markaad reerka oo idil ka daawaysay ama siisay daawo tayadeeda la hubo. 

Caruurta da’da yar, hooyada uurka leh ama naas-nuujinaysa waxaa lama huraan ah inay dhaqtarka u sheegaan si uu u qoro daawada ku haboon. Wixii faahfaahin, talo ama daawada gooryaanka ku saabsan fadlan nala soo xiriir ama u tag dhaqtarkaaga joogtada ah. 

Haddii aad doonaysid inaad la tashatid dhakhtar guji hoos

              SU’AAL DHAQTARKA                

Haddii aad su’aal qabtid ama aad doonaysid inuu ku soo waco qof ka mid ah shaqaalaha u carbisan caawinaada macaamiishayada guji hoos

              RIIX HALKAN HADDII AAD DOONAYSID INAAN KU SOO WACNO

X