Vitamin D wuxuu kaalin libaax ka ciyaaraa caafimaadka guud gaar ahaan koriinka, murqaha iyo lafaha. In ka badan 50% ayaa la ogaaday inuu ku yar yahay fitamiinkaas, badankoodse ma laha wax calaamad ah, inkastoo laga yaabo inay isku arkaan murqo xanuun, juuc-juuc iyo xanuun guud. Dhibkaan waxaa si gaar ah ugu nugul hooyada uurka leh, caruurta la naas-nuujiyo & kuwa ka yar 5 sano iyo dadka maqaarkoodu madow yahay.
Cunada fitamiin D laga helo waxaa ka mid ah?
- Kaluunka saliida leh sida sardiinada, tabadinka (tuunada), salmoonka iyo taraaqada (mackerel).
- Ukunta qeybteeda huruuda ah.
90% fitamiin D geena waxaa lagu sameeyaa maqaarka waxaana ka qeybqaata shucaaca qoraxda. Fitamiin D wuxuu muhiim u yahay lafo caafimaad qaba oo xoogan. Wuxuu kaloo muhiim u yahay shaqada murqaha iyo in jirku u shaqeeyo si habsami ah. Cilmi-baarayaashu waxay kaloo ogaadeen in fitamiin D uu ka qeybqaadan karo ka hortaga cudurada ay ka mid yihiin kansarka, sonkorowga iyo cudurada wadnaha.
Faqriga fitamiin D wuxuu badanaa ku dhacaa dadka aan helin qorax ku filan:
- Dadka aan guriga ka bixin sida dadka jiran ama makhabiyo aan qorax arkin.
- Dadka jirkooda maryo ku wada daboola markay banaanka aadayaan sida dumarka niqaabka am burqaha isku xijaaba.
- Dadka maqaarkoodu madow yahay sida Afrikaanka iyo Asiyaanka.
- Dadka qaata daawooyinka qaarkood sida kuwa qalalka ama aydhiska.
Ogow khasab ma aha inaad xijaabka iska dhigto si aad qorax u heshid, adigoo gurigaaga jooga ayaad is qoraxeyn kartaa sida adigoo fariista dayrkaaga ama daaqada meel ku aadan shucaaca qoraxda.
Waa maxay calaamaadka lagu garto?
Dadka badankood ma laha calaamado lagu garto ismana oga inay qabaan dhibkaas. Calaamadaha ugu badan ee dadka qabo lagu arko waxaa ka mid ah daal iyo xanuun guud.
Calaamadaha lagu garto caruurta
- Murqo kaduud (cramps), qalal, neefta oo dhibta.
- Lafo qalqalooc ama lugaha oo yeesha xaglo soo godan.
- Koriinkooda oo hooseeya gaar ahaan iyagoo socodka ka daaha amaba asaagood ka gaabta.
- Soo bixitaanka ilkaha oo ka daaha.
- Xanaaq iyo dulqaad la’aan.
- U nugul infekshanada sida kuwa ku dhaca hawo-mareenka.
- Markay xaaladu meel fog gaarto wuxuu sababi karaa daciifnimo saameeya murqaha wadnaha iyo xabadka ee ka qeybqaata habsami u neefsahshada.
Calaamadaha dadka qaan-gaarka ah
- Juuc-juuc iyo xanuun guud oo saameeya murqaha iyo lafaha.
- Markay xaaladu daran tahay wuxuu keeni karaa xanuun saa’ida iyo tabar-dari. Taasi waxay sababi kartaa inuu qofku ku dhibtoodu inuu istaago ama jaran-jarooyinka ku socdo.
- Lafo-xanuun gaar ahaan mid saameeya feeraha, sinta, gumaarka, bawdada iyo cagaha.
Autismaha iyo Fitamiin D xiriir ma ka dhexeeyaaa?
Cilmi-baarayaasha qaarkood ayaa xiriiriyay yaraanta fitamiin D iyo cudurka autismaha (caruurta aan hadlin, caqligooduna uusan taam ahayn), waxay ku doodeen inuu ku badan yahay wadamada aan qoraxda badan lahayn. Waxay daliil ka dhigteen in Soomaalida markay wadankooda joogeen in cudurkaas aanba la aqoon markayse yimaadeen wadamada qaboobaha uu saameeyay qoysas badan oo Soomaali ah kuwaas oo ula baxay magacyo ay ka mid yihiin cudurka Swedishka ama kan Minesotta; iwm. Khuburo Swedish ah ayaa sheegay in autismuhu uu soomaalida uga badan yahay ilaa 4 jibaar marka loo eego dadka kale. Huda Farah oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee Minesotta ayaa tiri “markaan wadankayaga joognay cudurkan waligeen ma maqal, xitaa wax af-Soomaali lagu yiraahdo ma naqaan”. Inkastoo la tuhmo xiriirka ka dhaxeeya labadaas hadana ma jiraan daliil ku filan oo tusinaya in caruurtaas lagu daaweeyo fitamiin D si ay uga caafimaadaan cudurka; baaristuna waa socotaa.
Sidee loo ogaadaa in fitamiin D kugu yar yahay?
Waxaa si fudud looga ogaan karaa dhiiga. SomDoc waxay kuu sheegi kartaa inuu fitamiin D kugu yar yahay iyadoo boosta kuu soo dhigaysa agabka loo baahan yahay. Alaabta laguu soo dirayo waxaa ku jiro cirbad sida tan dadka sonkorta qaba ay isticmaalaan oo lagu mudayo farta, dhibic dhiiga ayaad ku shubaysa xaashida adag meesha loogu talagalay kadibna dib ayaad noogu soo diraysaa. Waxaa lagu baarayaa shaybaarka Jaamacada Birmingham, UK, jawaabtana waxaad ku helaysaa hadba sidaad u dooratid maalmo yar gudahood. Waxaa la socota warqad wadata sawiro oo si sahlan u sharaxaysa hawsha oo idil. SomDoc waxay kaloo kaa caawinaysaa inay kuu sheegto daawada kugu haboon ama waxay warqad kuugu qoraysaa dhakhtarkaaga haddii aad doontid.
Sidee loo daaweeyaa?
Waxaa lagu daaweeyaa in la qaato fitamiin D isagoo cirbad, sharoobo ama kaniini ah. Nooca lagu siinayo iyo xooga daawada waxay ku xiran tahay calaamadaha kaa muuqda iyo dhiiga lagaa qaaday lambarka uu sheegay. Haddii dhiigu sheego in fitamiinkaagu uu ka yar yahay 25 waxaa loo baahan yahay in cirbad lagugu duro 3-6dii biloodba mar ama lagu siiyo kaniini awood badan inta heerka fitamiin D dhiigaagu uu uga soo noqonayo intii laga doonayay qofka caadiga ah.
Ogow heerka fitamiin D adigoo gurigaaga jooga:
- Qalabka loo baahan yahay ayaa boosta laguu soo dhigayaa.
- Raac siday ku farayso warqada la socota ee leh sawirada
- Ku soo rid boqshada aan lacagta kaaga baahnayn ee la socota kadibna dib noogu soo dir.
- Jawaabta oo rasmi ayaad waxaad ka helaysaa shaybaarka Jaamacada Birmingham, UK
- Wixii faahfaahin ama su’aal ah fadlan nala soo xiriir.
Riix halkan si aad u akhrisatid maqaal xiiso badan oo uu mawduucan ka qoray Dr Mohamed X C/laahi.
Haddii aad ku nooshahay UK isla maraakana aad tahay haweenay leh uur ama aad haysatid cunug da’diisu ka yar tahay 4 sano waxaad xaq u leedahay boonooyinka Healthy Start. Riix halkan si aad u ogaatid macluumaad dheeraad ah.
Fitamiin D Test | Dhibic dhiig ah ku ogow heerka fitamiin D jirkaaga | £29.00 |
Fitamiin D Test | Dhibic dhiig ah ku ogow heerka fitamiin D (2 Kit – ku filan laba qof)) | £55.00 |
Fitamiin D Test | Dhibic dhiig ah ku ogow heerka fitamiin D (3 Kit – ku filan sadec qof) | £80.00 |
- Fitamiin D TestDhibic dhiig ah ku ogow heerka fitamiin D jirkaaga:Gado