Fitamiinadu waa walxo jirku u baahan yahay oo uusan marnaba ka maarmin si aan ugu noolaano nolol caafimaad leh. Maadaama uusan jirkeenu samayn karin fitamiin waxaan u baahan nahay inaan cuno ama cabno walxaha ay ku jiraan, la’aantoodna jirku wuxuu noqonayaa hawl-gab. Dabku wuxuu lumiyaa fitamiinada iyo macdanta cuntada ku jirta, hilibka oo la solo ama foornada lagu kariyo waxay ka fiican tahay in saliid lagu shiilo.
Ogow sida markay ku yar yihiin jirka ay dhib u keenaan ayay sidoo kale markay ku bataan qaarkoodna dhib u keeni karaan, gaar ahaan qofka waqti dheer kaniiniyo qaadanayay. Haddii aad uur leedahay ama aad qorsheynaysid, ha qaadan fitamiinada ay ku jiraan fitamiin A ama cunooyinka uu ku badan yahay sida beerka sababtoo ah in badan oo fitamiin A wuxuu dhib gaarsiin karaan ilmaha uurka ku jira.
Dadka badankiis uma baahna inay qaataan kaniiniyo haddii cunadoodu ay tahay mid dheeli-tiran ayna ku jirto khudaar iyo furuuto ku filan. Waxaa laga yaabaa inay u baahdaan inay kaniiniga qaataan dadka qaarkiis gaar ahaan dumarka uurka leh, waayeelka iyo qofkii cunadiisu aysan dheeli-tirnayan. Haddii ay noqoto inaad gadatid, ku xafid meel qabow oo aysan toos ugu dhacayn qoraxda. Ha qaadan caloosha oo eber ah sababtoo ah waxay markiiba raacayaan kaadida gaar ahaan fitamiinada B iyo C, sidaas darteed cun maalintii cunada kadib.
Isku day inaadan cabin qadar badan oo ah shaah, qaxwe ama kofee iyo kooko-koolada. Kafayiinka iyo shaahuba waxay carqaladeeyaan inuun jirkaagu dheefshiido fitamiinada iyo macdanta sida ayroonka.
Fitamiin A | |
U fiican | Araga, korriinka, dhadhanka iyo abataytka. |
Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay | Aragtida habeenka oo xumaata |
Inta qofku maalintii u baahan yahay. | 800 micrograms |
Cunooyinka laga helo | Beerka, karootada, khudaarta caleenta cagaaran, ukunta qeybta huruuda ama jaalaha ah, caanaha iyo wixii laga sameeyo, khudaarta huruuda ama jaalaha ah. |
Haweenka uurka leh: | Ha qaadanin haddii aad uur leedahay ama aad qorsheynaysid, wuxuu dhib gaarsiin karaan ilmaha uurka ku jira |
Fitamiin B6 (pyridoxine) | |
U fiican | Maqaarka, neerfayaasha, dheefshiidka. |
Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay | Cudurada maqaarka. |
Inta qofku maalintii u baahan yahay | 2mg – dumarka qaata kaniiniga xakamaynta uurka waxaa laga yaabaa inay u baahan yihiin ka badan |
Cunooyinka laga helo | Kaluunka, muuska, digaaga |
Fitamiin B12 (cobalamin) | |
U fiican | Samaysanka dhiiga iyo neerfayaasha. |
Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay | Daal iyo caajis, xato-xato iyo kabuubyo gacanta ama cagaha, xasuus xumi iyo dhiig la’aan (aniimiya). |
Inta qofku maalintii u baahan yahay | 1 microgram |
Cunooyinka laga helo | Ukunta, hilibka, digaaga, beerka, kaluunka shellfish, caanaha. |
Fitamiin C (ascorbic acid) | |
U fiican | Difaaca jirka, la dagaalanka bakteeriyada iyo fayruska, nabarada iyo dhaawaca biskoontooda, dufanka dhiiga ee kolesteroolka oo hoos u dhacda . |
Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay | Daal, dhiig ka yimaada ciridka iyo nabarada & dhaawaca oo oo in laga biskoodo ay daahdo. |
Inta qofku maalintii u baahan yahay | 60mg |
Cunooyinka laga helo | Liinta, yaanyada, bataatada, khudaarta caleenta cagaaran. |
Fitamiin D | |
U fiican | Lafaha iyo ilkaha |
Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay | Lafo daciif ah iyo ilko aan caafimaad qabin. |
Inta qofku maalintii u baahan yahay | 5 micrograms |
Cunooyinka laga helo | Qoraxda, kaluunka sardiinada, salmoonka, tuunada, caanaha iyo waxyaalaha caanaha laga sameeyo (Riix halkan faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan fitamiin D). |
Fitamiin E (tocopherol) | |
U fiican | La dagaalanka sumaha iyo qashinka jirku soo daayo. |
Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay | Murqo daciifa iyo dhibaatooyin ma dhalaysnimo |
Inta qofku maalintii u baahan yahay | 10mg |
Cunooyinka laga helo | Saliida dhirta laga sameeyo, ukunta, khudaar ay ka mid yihiin broccoli, spinach iyo cunooyinka laga sameeyay badarka buushadooda wata. |
Folik Aysiidh (Folic acid) | |
U fiican | Samaysanka dhiiga cas. Waa lama huraan sadexda bilood ee ugu horaysa uurka si looga hortago jirka cunuga si qaldan u kora kuna dhasha cuduro. |
Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay | Calaamadaha aniimiyada oo ay ugu horayso daalka. |
Inta qofku maalintii u baahan yahay | 200 micrograms. Haweenka doonaya inay uur qaadaan waa inay qaataan 400mcg maalintiiba, kadibna ay sii wadaan markay uurka leeyihiin 12 isbuuc. |
Cunooyinka laga helo | Karootada, beerka, ukunta qeybta huruuda ama jaalaha ah, melonka, digirta iyo khudaarta caleenta cagaaran. |
Kaalsiyam (Calcium) | |
U fiican | Lafaha iyo ilkaha, neerfayaasha, murqaha iyo xinjiraha joojiya dhiig baxa |
Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay | Ilko xun iyo lafo daciif ah |
Inta qofku maalintii u baahan yahay | 800mg |
Cunooyinka laga helo | Caanaha iyo wixii laga sameeyo, khudaarta caleenta cagaaran |
Ayroon ama Feerada (Iron) | |
U fiican | Dhiiga cas iyo kan cad, shaqada murqaha iyo difaaca jirka |
Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay | Daal iyo si fudud u xanaaqid, feejignaan la’aan. |
Inta qofku maalintii u baahan yahay | 14mg |
Cunooyinka laga helo | Hilibka cas, kaluunka saliida leh, ukunta qeybta huruuda ama jaalaha ah, khudaarta caleemaha cagaaran |
Magnesiyum | |
U fiican | ka qayb-qaadashada samayska enerjiyada jirku u baahan yahay iyo dayactirka unugyada jirka, dhisida lafo, ilko iyo murqo awood leh iyo wiliba nidaaminta heerkulka jirka. |
Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay | Kaduudka murqaha, wadno-xanuun, sonkorow, dhiig-karka iyo lafo daciif ah. |
Inta qofku maalintii u baahan yahay | 300mg |
Cunooyinka laga helo | Khudaarta caleemaha cagaaran. |
Zinc | |
U fiican | Difaaca jirka iyo dheef-shiidka nafaqada jirku u baahan yahay |
Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay | Nabaro saameeya maqaarka, indhaha iyo dhuunta, beelida dhadhanka iyo urka, timaha oo go’a, shuban, dhaawaca oo daaha inuu biskoodo iyo dhibaatooyinka koriinka caruurta la xiriira. |
Inta qofku maalintii u baahan yahay | 15mg |
Cunooyinka laga helo | Hilibka, kaluunka shellfish, caanaha. |
Fadlan riix halkan haddii aad u baahan talo dhakhtar haddii kale hoos ka eeg fitamiinka aad u baahan tahay.
Multivitamins Goojo ah oo caruurta loogu talagalay | Abidec Multivitamin Drops | £6.00 |
Fitamiino iyo Macdan Loogu talagalay caruurta ka wayn 3 sano | Abidec Multivitamiin | £6.00 |
Pregnacare: Hooyada uurka leh | Qaado hal kaniini maalintii | £14.00 |
Abidec Multivitamin & Omega 3 | Abidec Multivitamin plus Omegasyrup | £9.00 |
Fitamiino & Macdanta dheelitiran oo ay ku dhan yihiin kuwa uu jirkeenu ka maarmin | Centrum: complete multimineral-multivitamin formula | £15.00 |
Malabka Xabatul Sawdaha | Malabka shinida lagu koriyay xabatul sawdaha | £10.00 |
Habbatul sawdah, kaniini | Xabatul sawdah, kaniini | £10.00 |
Multivitamins Plus Minerals | Multivitamins Plus minerals | £7.00 |
Fitamiin Complex, 30 kaniini | Fitamiin Complex, 30 kaniini | £5.00 |
- Multivitamins Goojo ah oo caruurta loogu talagalayWaxaa si gaar ah loogu sameeyay in daboolaan baahida fitamiin ee caruurta soo koraysa. Caruurta ka yar hal sano: sii hal mar in aan ka badnayn 0.3 ml maalin kasta. Caruurta da’doodu u dhaxeyso 1-12 sano: hal mar sii inaan ka badnayn 0.6 ml maalintiiba mar. Qiimaha: £6:00GadoFitamiino iyo Macdan Loogu talagalay caruurta ka wayn 3 sanoWaxaa loogu talagalay inay ka caawiyaan caruurta korrin caafimaad qaba. Caruurta ka wayn 3 sano: hal ama laba kaniini maalintii cunada kadib. Qiimaha 60 kaniini: £6.00Gado
- Fitamiin Complex, 30 kaniiniWuxuu ka qaybqaataa caafimaadka wadnaha, cidiyaha, timaha, maqaarka wuxuu kaalin libaax ka ciyaaraa hawlaha dheefshiidka iyo neerfayaasha, qaado hal kaniini maalintiiba, Qiimaha £5.00Gado
- Multivitamins Plus MineralsWaxaa loogu talagalay dadka cunadoodu aysan dheelitirnayn, Fitamiinada ku jira waxaa ka mid ah: A, C, B1, B2, B6, B12 iyo Folic acid. Waxaa kaloo ku jira kalsiyuum, Zinc iyo Ayroon oo iyaguna muhiim u ah caafimaadka lafaha, cidiyaha, ilkaha, wareega dhiiga iyo difaaca jirka. Qaado hal kaniini maalin kasta. Qiimaha 60 kaniini: £7.00.Gado
- Pregnacare: Hooyada uurka lehWaa si gaar ah loogu diyaariyay hooyada uurka leh, waxaa ku jira 19 fitamiino iyo macdan ay hooyada iyo cunuga uurka ku jira si gaar ah ugu baahan yiihiin. Qaado hal kaniini markaad cunada cunaysid. Qiimaha 90 xabo: £14:00Gado
- Abidec Multivitamin & Omega 31-3 sano jir sii hal qaado (5ml) maalintii. 4 sano iyo wixii ka wayn laba qaado maalintiiGado
- Fitamiino & Macdanta dheelitiran oo ay ku dhan yihiin kuwa uu jirkeenu ka maarminQaado hal kaniini maalintiiba.Gado
- Malabka Xabatul SawdahaWaa malab ay samaysay shini lagu koriyay beer ay ka baxdo xabatul sawdah. Xiisaha malabkan waa isaga oo kulmistay mucjisaadka malabka & xabatul sawdahaGado
- Habbatul sawdah, kaniiniCaa’isha Ilaahay ha ka raali noqdee ayaa sheegtay inay maqashay Nabiga nabadi korkiisa ha ahaatee isagoo leh “Xabadu sawdadan waxay daawo u tahay cudur kasta marka laga reebo dhimashada.” (Bukhaari). Qaado ilaa sadex kaniini maalintii, caruurtana ilaa laba kaniini maalintiiGado
Leave feedback about this