Infekshanka cidiyaha ee fungiga
Hadddii cidiyahaagu u eg yihiin sida ka muuqda sawiradan waxaa laga yaabaa inaad qabtid cudurka cidiyaha ee uu sababo noolo la yiraahdo fungi.
Calaamadaha soo socda ayaa lagu gartaa cudurkan:
- Cidiyaha oo adkaada ama qolfaysta
- Midabkooda oo is badala
- Cidida oo ka soo fuqaysa ama durkaysa booskeeda?
- Soo jab-jabaysa ama gabal-gabal u go’aysa?
Haddii aadan hubin cudurka cidiyaha kaa haya, gabal ka mid ah ku soo jar cidiyo-jarta kadibna u soo dir shaybaarkayaga iyagaa sheegaya nooca noolaha fungiga iyo daawada ku haboon. Daawooyinka lagula tacaalo waxaa ka mid ah kaniiniga Terbinafine ama daawo sida ranjiga aad cididada dusheeda marinaysid oo la yiraahdo amorolfine.
Terbinafine: waqtiga la wadayo daawada waxay ku xiranta heerka oo infekshanku gaarsiisan yahay.
- Cidiyaha cagaha: qaado hal kaniini ilaa 3 bilood.
- Cidiyaha faraha: qaado ilaa 6 isbuuc, dadka cidiyahoodu aysan dhakhso korin waxaa laga yaabaa inay u baahdaan inay wadaan ilaa 6-9 bilood si ay u arkaan cidiyo caafimaad qaba.
Amorolfine: dul mari cididada jiran 1-2 goor isbuucii kadib markaad nadiifisid. Sug qiyaastii 3 daqiiqo intay daawadu ka qalalayso. Sidaas ku wad cidiyaha faraha ilaa 6 bilood, cidiyaha cagahana ilaa 9-12 bilood. Ha isticmaalin waxyaalaha u diidaya in daawadu gaarto cidida sida daawooyinka lagu qurxiyo ama cidiyaha aan dabiiciga ahayn ee dumarku isku qurxiyaan. Baakadka waxaa ku jira daawada oo ah 5ml iyo qalabkii lagu nadiifinayay.
Terbinafine | Terbinafine 3 bilood | £38.00 |
Amorolfine | Amorolfine daawada cidiyaha la mariyo, in ku filan 3 bilood | £28.00 |
- Terbinafinewaqtiga la wadayo daawada waxay ku xiranta heerka oo infekshanku gaarsiisan yahayGado
- Amorolfinedul mari cididada jiran 1-2 goor isbuucii kadib markaad nadiifisidGado