Xakameynta Dhalmada

“kaniiniga xakamaynta dhalmada wuxuu dumarka ka caawiyaa inay doortaan xilliga ay doonayaan in ay uurka qaadaan”  

Siyaabaha loo xakamayn karo uurka waxaa ka mid ah hormoonada, bacaha ay xirtaan raga ama dumarka ee loo yaqaano condoms ama qalabyada la dhex dhigo ilma galeenka dhexdiisa ee loo yaqaano IUD (intrauterine device) sida mirena. Hormoonadu waxay noqon karaan cirbad la isku duro, sharooto garabka lagu dhajiyo ama kaniini la qaato. Ujeedadu waxa weeye inay haweenka ka caawiyaan qorshaynta qqoyskooda iyo waqtiga ay diyaarka u yihiin uurka.  


Ma jiro kaniini qof kasta ku haboon, waxaa loo baahan yahay inuu dhakhtar ku arko kadibna kuu sheego kan kugu haboon iyadoo la fiiriniyo caafimaadkaaga, da’daada, miisaankaaga, inaad sigaar cabtid, cudurada hidaha aad u leedahay ee qoyskiina ku soo noq-noqda iwm. Waxaa kaloo suurtagal ah in la bedelo nooca xakameynta aad adeegsato marka ay da’daadu sii weynaataba, marka aad naas-nuujinasid iyo marka ay isbedesho hab-dhaqankaaga galmeed.

Haddii aadan horay u isticmaalin oo aad doonaysid talo dhakhtar fadlan riix halkan.

Waxaan ku siin karnaa in kugu filan (ilaa 6 blood) intaad ka arkaysid dhakhtarkaaga haddii

  • Aad isla kaniinigaa qaadanaysay sanadkii ugu danbeeyay
  • Wax dhib ahna kala kulmin
  • Aad aragtay dhakhtar isla markaana uu kuu fasaxay 12 bilood.

Nala soo xiriir si aan kuugu sheegno kaniiniga aad doonasid qiimahiisa iyo sidaan kuugu soo diri lahayn. Sidoo kale nala soo xiriir haddii aad doonaysid talo la xiriirta nooca xakamaynta dhalmada.

BiNovum 3 one month calendar packsBiNovum 3 in ku filan hal bil£12.50
Microgynon 3 one month calendar packsMicrogynon in kugu filan 3 bilood£12.50
Microgynon 3 one month calendar packsMicrogynon in kugu filan 6 bilood£15.00
Yasmin – kaniiniga ka hortaga uurkaYasmin£19.00
Yasmin – kaniiniga ka hortaga uurkaYasmin in kugu filan 6 bilood£33.00
X