Ilaa iyo 60% dadka ka safra wadamada reer galbeedka ah ee taga wadamada soo koraya ayaa waxaa ku dhaca shubanka musaafirka kaasoo dalxiiskooda ama safarkooda shaqo ka dhiga mid lama ilaawaan ah. Waxay badanaa bilaabataa todobaadka ugu horeeya ee meesha lagu cusub yahay.
Inaad qaadatid antibiyootik marka uu cudurkan kugu dhaco waxay si aad ah u yareyn kartaa dhibka xanuunkan iyo mudada uu ku hayo shubanku.
Maxaa keena shubankan?
Shubanka safarada waxaa badanaa keena jeermis jirkaaga ku cusub oo aad ugu timi meesha aad safarka ku tahay. Waxaa badanaa loo aaneeyaa inay sababaan bakteeriyo ay ka mid yihiin Escherichia Coli, Campylobacter, Salmonella iyo Shigella kuwaasoo lagu kala qaato biyaha iyo cunada.
Shubanka caadi ahaan waxaa uu socdaa 2 ilaa iyo 4 maalmood markaas oo badanaa dadku ay xanuun dartiis sariir ku ururaan. Xaaladaha qaarkood iyo dadka nugul intaas waa sii dhaafi karaa oo wuxuu keeni karaa jirooyin halis ah oo ay ka mid yihiin kuwa malawadka.
Calaamadaha cudurka shubanka
- Shuban
- Matag
- Calool xanuun
- Waxaa kaloo dhici karta qandho kulul iyo madax xanuun
Shubanku badanaa waa uu sii socdaa marka mantagu kaa joogsado kadib, waxaana uu sii jiraa ilaa iyo dhowr maalmood. Mararka qaarkoodna calamadahan mudo dheer ayey sii jiitamaan.
Calaamadaha fuuq-baxa
Khatarta ugu badan ee shubanka uu wato waa in qofku fuuq-baxo ama dheecaanka jirku yaraado (dehydration). Si dhakhso ah dhaktar ula xiriir haddii aad isaga shakiso in dareeruhu kaa yaraanayo. Hadduu sahlan yahay waxaa ku filan biyo badan oo la cabo haddiise uu aad u daran yahay waxaa laga yaabaa in loo baahdo in qofka faleebo laga siiyo xididka.
Calaamadaha Fuuq-baxa waxaa ka mid ah: daal, wadnaha oo xoog u garaaca, madax-wareer, amaba madaxa oo khafiif ku noqda, madax xanuun, muruq go’ & il-dheeri, kaadi yari, afka iyo carabka oo qallala, tabar yari, iyo xanaaq badni.
Dadka uu ku dhaco shubanka waa in ay cabaan cabitaano fara badan (3 – 4 litir maalintii), xitaa hadii ay mantagayaan. Cabitaan kasta oo aan ka aheyn caanaha waa ay ku caawinayaan in kastoo cabitaanka loogu talagaley (ORS) in uu dareeraha kugu soo celiyo uu yahay kan ugu wanaagsan.
Caawinaad
Dadka nugul ama horay u qabay cuduro waa in ay markiiba raadsadaan talo caafimaad haddii uu si xun ugu dhaco shubanka, amaba shubanka iyo matag ay wadaan in ka badan 2 maalmood, amaba ay hayso qandho kulul iyo xanuun daran oo caloosha ah, amaba nabaro jirka ka soo yaacaan, markaa caawinaad caafimaad ayaa loo baahan yahay.
Ka hortaga
- Iska ilaali cunada jidadka lagu gado amaba meelo u eg in ay wasakh yihiin
- Waxaad cabtaa biyo qasaceysan amaba kuwo la karkariyey
- Faakihada (fruit) la fiiqi karo waa mid aad ku kalsoonaan karto
- Jeermisku waxay ku soo gaban karaan khudaarta aan nadiifka ahayn iyo kaluunka loo yaqaan shellfish
- Aad uga taxadar gacmo dhaqashada
- Mararka qaarkood jalaatooyinka iyo barafka waxey noqon karaan kuwa wata jeermis
Daawada
Antibiyootik waqti kooban la qaato oo lagu daro kaniiniyada joojiya shubanka waxay ku filnaan karaan inay daaweeyaan cudurkan. Daawadu waxay ku haboon tahay:
- Qofkii waqti yar maqnaanaya oo aan doonayn in safarkiisa iyo dalxiiskiisa ay ka carqaladayso jiro waqti dheer jiitanta;
- Qofkii safar gaaban oo shaqo u baxaya ;
- Qofkii meel geeri go’an u socda oo waqti dheer joogaya
Ciprofloxacin | Ciprofloxacin 500mg 6 kaniini (in ku filan hal qof) | £11.50 |
Ciprofloxacin | Ciprofloxacin 500mg 12 kaniini (in ku filan laba qof) | £17.80 |
Ciprofloxacin | Loperamide capsules 2mg 30 capsules | £5.50 |
Ciprofloxacin | Loperamide capsules 2mg 60 capsules | £7.25 |
Loperamide capsules | Loperamide capsules 2mg 30 xabo | £5.50 |
Loperamide capsules | Loperamide capsules 2mg 60 xabo | £7.25 |
Dioralyte Blackcurrant Sachet | Dioralyte Blackcurrant Sachet: 6 xabo | £5.00 |
Dioralyte Blackcurrant Sachet | Dioralyte Blackcurrant Sachet, 24 xabo | £15.00 |
- CiprofloxacinCiprofloxacin: qaado hal kaniini laba jeer maalintii adigoo wadaya sadex maalmood. Bilow isla markaad shubanka isku aragtidGado
- Loperamide capsulesqaado labo xabo kadibna 1 kaniini mar kasta oo aad shubantid ilaa 4 kaniini maalintii.Gado
- Dioralyte Blackcurrant SachetDaawada fuuq-baxa, hal xabo ku qas bakeeri biyo nadiif ah markasta oo aad shubantid, caruurta nus bakeeri ayaa ku filan