Cayilka aad ayuu ugu badan wadamada qaniga ah waxaana loo aaneeyaa cunada faraha badan iyo jimicsiga oo yar. Haddii aad si joogta ah u cuntid in ka badan inta jirkaagu u baahan yahay waad cayilaysaa. Quruxda oo uu waxyeelo ka sokow wuxuu khatar galiyaa caafimaadka. Waxaa loo aaneeeyaa caafimaad xumo aan la soo koobi karin oo ay ka mid yihiin daal iyo neeftuur, hurdo xumo iyo khuuro, dhabar iyo lafo xanuun, sonkorow iyo dhiig kar, wadna xanuun iyo qalal (stroke), ma dhalaysnimo iyo dhalmada oo haweenka ku adkaata ama lagu soo qalo, cudurada beerka iyo xamaytiga, kansarada malawadka, naaska & minka. Wadankan Ingiriiska cayilku wuxuu sababaa dhimashada in ka badan 30.000 qof sanadkiiba.
Dhexda oo la cabiro waxay ku siinaysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan khatarta aad ugu jirtid wadno-xanuun iyo sonkorow. Taas macnaheedu waa qofba qofkuu ka xalus wayn yahay waa ugu nugul yahay inuu mustaqbalka ay ku dhacdo caafimaad xumo. Haddii aad doonaysid inaad cabirtid soo qaado mitirka wax lagu cabiro kadibna cabir wareega dhexdaada adiguu marinaya xudunta korkeeda.